Saturday, 4 July 2009
CID AAN KA TEGI AYAANBA JIRIN
Hawiyeha Daalimkee dadkoodii dubanayee, dowladba aan doonaheyn iyo Dameeraha ay biyaha ku dhaansan, wax kala bedelan miyaa jira? Kooxda diimoon ee Diinta sheeganayiyo midkaan jaahilkee darajada u duuliyo amxaarka dalka doonaya, wax kala duwan miyaa jira? Mareykankan Daacuflahaa, oo hubka nagu soo daldali isagoo dalkiisa dhisan,iyo midkeena damiirlaawaha ahoo dadkiisa ku dili, laba dulmi wada miyaa marna kala bedelan?
Daaroodka doolaalada oo dhulkisu nabada u yahay, ee haddana dadkale xasuuq ku dili, oo weliba diin sheeganaye gardheer matali, miyaan ilaah daalacaneyn oon denbigaas laga gudin?, Miyaan dabka ay shideen, morkooda habaar ku dhici, oo iyana hadimada ay galeen haadu u cuni? Alaa Daa'imahe dadka ay dileen, dalka ay gubeen, iyo diinta dulmeen, miyaa denbigaas ay galeen marna looga tegi? Kuwa dulmiga wada miyaa kala duwan?
Kuwaan dowlad goboleedka doonayee, aduunka aqoonsi udawarsi tegi, oo haddana koofurta dulmiga ku wada, iyana miyeysan ka baqeyn in dagaalku u tegi? oo Barakac iyo bililiqadu booska ugu iman? Ilaaha baa Daa'imahe iyana markooda duligu wuu tebi, oo Daaraha cadcadi dhulka way tegi, oo Aduunku waa laba daare, iyana nabsigu wuu dulmari oo markooda holucu dili oo weliba oohin ku danbeyn, kuwa dulmiga wada miya kala duwan?
Subscribe to:
Posts (Atom)